Dowladda soomaaliya iyo midowga afrika oo guddi u saaray xasuuqii ka dhacay marka

Xarunta Villa Hargeysa ee ku dhex taala madaxtooyada Villa Somalia maanta waxaa ka dhacay kulan arrimo culus looga hadlay, iyadoona su’aalo iyo jawaabo la isku dhaafsaday dhinacyada Dowladda Soomaaliya iyo Madaxa Midowga Afrika iyo taliyaha ciidamada AMISOM.

Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha guddiga difaaca Golaha Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise, iyadoona dhinaca kalena uu hoggaaminayay madaxa Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maman Sidikou, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan guddiga difaaca Baarlamaanka iyo Taliyaha ciidamada AMISOM.

Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha guddiga difaaca u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen guddi labada dhinac ka socda inay baaritaano ku sameeyaan tacadiyadii dhowaan ciidamada AMISOM ka geysteen magaalada Marka oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli taliska ciidamada AMISOM ee degmada Marka uu horay u sheegay in dadka la dilay ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab, isla markaana muddo dhowr goor ah ay qaraxyo u geysteen gaadiidkooda iyo weeraro ay ku qaadeen xeryahooda.

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=31772

Posted by ccdyouth
on Aug 11 2015. Filed under Wararka maanta.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *